2,000 oo ciidamo Boolis ah Oo La Shaaciyay Iney Sugi Doona Ammaanka Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

Eng. Yariisow ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen maamulka iyo maaliyadda gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo degmooyinka Caasimadda.

Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisow in ay u wajaheen si ka duwan qaababkii hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taas oo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Afartii bil ee la soo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada gobolka Banaadir ka qayb qaataan wajiga Labaad 2,000 oo ciidamo Boolis ah, kuwaas oo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo wada dadaalo ku aadan sugidda amniga, weli waxa ay la tacaaleysaa weerarada Al Shabaab ay geysanayaan ee isugu jira kuwa tooska iyo kuwa qaraxa loo adeegsado ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.