180 Xildhibaan oo Gartay in la Joogo Waqtigii La dhameystiri lahaa Distuurka una Coddeyey Habraaca.

Reading Time: 3 minutes

Shalay waay ahayd maalin taarikhda dalkeenna dhabaha u xaareysa inaan noqonno jamhuuriyad leh distuur la yaqaan oo dunida la deriska ah la siman. Waxay xubanaha barlamanka u istaageen inay noqdaan xubnihii barlamaan ee ka dhabeeyey inay Somliya xoog leh oo ku taagan dhidibbo siman oo aan 4.5 ahayn abuuraan.

180 xildhibaan ayaa si aqlabiyad waddanimo ah ugu codeeyey habraaca loo marayo dhameystirka distuurka, waana ku amaanan yihiin oo taariikhda ayaa xusu doonata.

Dhibaatooyinka distuurka hadda yaalla uu dalka u leeyahay marka laga soo tago faa’iidooyinka ah inuu ilaa iyo hadda isku kaaya ahayey ayaa waxaa ka mid ah:

  1. In bulshada qeyb aka mid ah uu sharci ahaan u aqoonsan yahay inay ka liidato bulshada inteeda kale iyadoo ku faanaya inay ka tira badan yihiin, mana jirto meel la isku tiriyey oo lagu kala batay.
  2. In shaqooyinka iyo jagooyinka hogaamineed iyo maamul lagu saleeyo 4.5 ee aan lagu bixin Karin aqoonta iyo kartida gabadha iyo wiil ka Somaliyeed ee si fiican uga soo dhalaali lahaa masuuliyadda nolosha dadkeenna u wanaaga u badali lahaa.
  3. In madaxda dalka mar waliba lagula dhegan yahay waxaa uu ka booday 4.5 iwm ee aan lagula xisaabatmin iyo maxsuul uu ka soo baxo hawsha loo igmaday.
  4. In awoodaha dowladaha xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo dowladda federaalka ay iskaga kaaya qasan yihiin oo ay isku noqnoqonaya.

Haddaba, maanta ayaa waxaa la soo gaaray in laga shaqeeyo in dalka uu yeesho distuur dhameystiran oo loo siman yahay shaqooyinka iyo masuuliyaddana lagu qeybiyo maxaad taqaan oo aad qaban kartaa ee aan loo eegin 4.5 iyo reer hebel ma yahay ?

Waa dhab in uu jiro dareen iyo wax xoogaa cabsi ah oo ka imaneysa isbadalka cusub, waana caado aadami ah inuu ka cabsado isbadalka iyo waxa cusub, laakiin waxaa loo baahan yahay geesinimo iyo in niyad wanaag lagu wajaho isabdalka.

Sidoo kale Madaxweyanaha hadda joogaa qodobada lagu doortay waxaa ka mid ahaa dhameystirka Distuurka waana sababta shalay aqlbiyadda loogu anxisiyey habraaca dhameystirka distuurka oo waxay ka rabaan nuu fuliyo ballankiisa doorashada.

Marka distuurka la dhameystiro akhriste aniga iyo adiga waxaan awood u leenahay inaan ka qeyb gallo siyaasadda annaga oo aan u baahneyn in oday dhaqameed aan fahmeyn siyassadaha hardamaya ee gobolka iyo kuwa caalamiga ee dalkeena uu wajayo iyo siyaasiga kurisga yimid 4.5 ay noo soo ogolaadaan ee aan shacbiga toos cod uga raadsan karno , dalkeenana aan si sidaan ka wanaagsan ugu shaqeyn karo.

Ogow is diidanka taagan ee qaarkood shakhsiyadeysan iyo cakirnaanta siyaasadeed ee dalkeennu la daalaa dhacayaa waxay ka timid dadka golayaasha dowladda noogu jiraa iyo kuwa hogaaminta noo hayaa oo aan ku iman kalsoonida shacbiga, isla markaana aanu shacbiga la xisaabtami Karin.  Laakiin marka distuurka la dhameystiro qofna 4.5 kuma joogayo ee aqoon, karti waxqabad, hogaamin miradhal ah iyo ka raalli ahaanshaha bulshada soo dooratay ayuu ku joogi karaa waana halka loo socdo ee yaan laguu xumeyn  dhameystirka distuurka.

Wuxuu awoodda u wareejinayaa shacbiga wuxuuna ka qaadayaa madaxda iyo kooxaha aan caddalad wax ku noqon Karin oo raba in lagu sii joogo habkaan wata xarigga qoorta nooga xeran ee 4.5 oo ay nagu sii haysan karaan.

U fiirso madaxdii hore iyo kuwa hadda jooga ee raba in lagu soo jiro 4.5 iyo awood qeybsiga xaaraanta ah waa kuwa ka cabasanya inay wax ku noqdaa tartanka furan ee xorta ah iyo awoodda sahcbiga u noqoneysa.

Is ooyintoda iyo kicinta buslahadana waa danahooda oo ay u arkaan inay caddaalladda u daran tahay. Mid ka mid ah madaxdii hore oo hadda xusul duub ugu jira inaan 4.5 laga gudbin ayaa laga hayaa “ Maxaan ku falayaa Caddaalladda haddii ay aniga iga horjoogsaneyso inaan xilka ku soo noqdo” Marka riix oo ku adkeyso inay dowladdaan fuliso ballanqaadkii dhemystirka distuurka.