18 kamida gawaarida dagaalka iyo ciidankii watay oo ka baxay furimaha dagaalka

Reading Time: < 1 minute

Waxaa 48dii sacadood ee u danbeeysay ka baxay furimaha dagaalka gawaari lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan 18 gawaarida dagaalka oo ay ku rakiban yihiin  qorayaha kala duwan ee dagaalka.

Ciidanka ayaa isaga baxay furimaha  dagaalka iyo xaruumihii lagu ogaa iyaga oo aan fasax  ka qaadan taliska ciidanka ama Wasaradda Gaashandhiga. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xassan Cali ayaa sheegay in ciidaanka iyo gawaaridooda isla maqan yihiin. Wasiirka aya yiri “waxaa na loo sheegay in qaar ka mida ciidankaas iyo hubkoodii ay joogaan guriga siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur halka qaar kalana lagu sheegay in ay joogaan banaanka magaalada Muqadishu”.

Dhanka kale waxaa iyadana isa soo taraya taliyayaasha ciidanka oo iskood isaga baxay kuwaas oo sheegay in ayan jirin dowlad ama hogaan ay ku tiirsadaan. Dowlada ayaa u muuqata mid dabda la gashay qabiil iyo dano gaar ah.

Taliska AMISOM aya  ka walwalsan xaalada ka  soo cusboonaatay ciidanka dhexdiisa taas oo saamayn ku yeelanaysa  howlgalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabab. Mid ka mida taliyayasha AMSIOM oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yiri “wa ay nagu adkaan doontaa in aan howlgal qaadno hadii aanan la helin ciidan leh niyad. Muqadishu difaaceedu waa adkaanayaa hadii aan la helin ciidan u dhinta difaaceeda”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!