16-kii kursi Garbahaarey oo la guddoonsiiyay shahaadada Xildhibaanimo

Reading Time: 2 minutes

Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka ee FEIT ayaa shahaadada Xildhibaanimo guddoonsiiyay xildhibaano shalay galinkii dambe soo gaaray Muqdisho kuwaas oo kusoo baxay kuraastii 16-ka ahayd ee taalay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Munaasabada shahaadada Xildhibaanimo lagu guddoonsiinayay 16-ka Xildhibaan waxaa goob joog ka ahaa Cali Maxamuud Madaxa howlgalka Guud ee doorashooyinka, Maxamuud Cilmi iyo Cabdinaasir Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Cabdiweli Maxamed Cilmi oo Guddiga FEIT u qaabilsan Maaliyada oo ka hadlay goobta shahaadada Xildhibaanimo lagu guddoonsiinayay Xildhibaanada lagu soo doortay Garbahaarey, wuxuu ka sheegay in safar dheer kadib ay maanta shahaadada Xildhibaanimo ay guddoonsiiyeen Xildhibaanadii kusoo baxay doorashadii ka dhacday Magaalada Garbahaarey ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sidoo kale, wuxuu mahadcelin ujeediyay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) iyo Xoghayaha Guud ee golaha, isagoo sheegay in Si geesinimo leh ay u aqbaleen in aysan diiwaangelin oo aysan dhaarin dadkii kusoo baxay hanaankii baalmarsanaa nadaamka doorashada.

“Waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo runtii si geesinimo leh u aqbalay in aysan diiwaangelin oo ay dhaarin dadkii kusoo hanaankii geedi socodka baal marsanaa nidaamkii doorashada ee laga soo abaabulay Magaalada Ceelwaaq,” Ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu si xushmad leh ugu codsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha joogtadada ah ee golaha in Xildhibaanada kasoo baxay doorashadii Garbahaarey oo ahayd magaaladii sharciga ahayd ee loo asteeyay in doorashada Jubbaland lagu qabto in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu fududeeyaan inay qaataan kaararka aqoonsiga loona dhaariyo Xildhibaanimada golaha Shacabka si ay ugu qeyb qaataan doorashada guddoonka oo lagu wado in ay dhacdo 27-ka bishaan April.

Ugu dambeyn, Cabdiweli ayaa sheegay in iyaga oo ka mid Guddiga Hirgelinta Doorashada ay u suurta gashay in magaalada Garbahaarey ay kusoo gabagabeeyeen doorashada 16 kursi taas oo ay ku mashquulsanaayeen muddo todobaad ah.

Hadalka xubnahaan ka mid ah Guddiga FEIT ayaa imaanaya, iyadoo wali Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq aan la horgeynin kulanka Baarlamaanka Soomaaliya si loo dhaariyo, inkastoo ay qaateen shahaadada Xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga.

Magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo ka wada tirsan Gobolka Gedo waxaa lagu wada qabtay doorashooyin isbarbar socda kuwaas oo gaaraya 16 kursi, iyadoo tani ay timid kadib markii Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle Yuusuf uu soo saaray go,aan 14-kii bishaan April kaas oo uu ku shaaciyay in kuraastii 16-ka ahayd laga soo wareejiyay magaalada Garbahaarey loona wareejiyay degmada Ceelwaaq, waxaana go,aan kaas ka hor yimid xubno ka tirsan isla guddiga oo ku sugnaa magaalada Garbahaarey.