14ka Oktobar maalin murugo leh & Gudigii Farmaajo magacabay oo aan wali warbix soo gudbin

Reading Time: < 1 minute

Waxay maanta ku beegantahay sanadguuradii 4aad ee qaraxii boqolaalka qof ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho 14kii Oktoober 2017. Halka  in ka badan 1000  uu dhaawac soo gaaray kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo wadada marayey iyo kuwii ku sugnaa goobihii ganacsiga ee ku yaallay goobta uu qarax ka dhacay.

Qaraxan ayaa la rumeysan yahay inay geysatay kooxda Al Shabaab walow aysan sheegan ayaa ahaa weerarkii Argagaxiso oo ugu weynaa ee halmar ay ku dhintaan tiro intaas la’eg oo dad ah marka laga yimaado weeraradii 911 ee ka dhacay dalka Maraykanka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo qaraxaasi guddi u saartay ayaa 4 sano kadib weli laga sugayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saarto weerarkaasi iyo cidii fududeysay iyo waliba tilaabooyinkii ay qaaday si cadaalada loo horgeeyo dadkii ku luglahaa weerarkaasi.

Afar sano ka dib ma jirto warbixn ay  soo gudbiyeen gudiga Farmaajo, ma jirto cid loo qabtay danbigaas, ma jirto kaalmo la siiyay dadkii dhibka ka soo gaaray qarxaaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!