Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxa ay ka waddaan wadada xiriisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Howlgalkaan ayaa loogu tala galay in lagu furo wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed saraakiil ka tirsan waxa ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan Weerarada Al-Shabaab ay ugeystaan Mas’uuliyiinta Hirshabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa Amar ku bixiyay in Shabaab laga sifeeyo Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.
Al-Shabaab ayaa dhawaan xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan Hirshabeelle ku laayay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.