Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali ee loo yaqaano Sanbaloolshe ayaa waxaa labadii bilood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa iyo Magaalada Jig-jiga. Sanbaloolshe oo horay xiriir hoose ula lahaa Ciidanka sirdoonka Itoobiya ayaaa waxaa degaan laga siiyay labo meelood oo ku taal Addis Ababa , Hotelka wayn ee caalamiga ah Sheraton Hotel iyo aqal ku yaalo bartamaha magalaada Addis Ababa oo loo dajiyay mid ka mid ah xaasaskiisa.
Sanbaloolshe ayaa horay waxaa uu Itoobiya gacanta ugu galiyay Halyaygii Cabdikarin Shiikh (Qalbi Dhagax). Sidoo kale inta uu ka tirsanaa dowlada Soomaaliya, waxa uu Itoobiya si joogta ah ugu gudbin jiray sirta qaranka Soomaaliyeed. Ma aha markii ugu horeeysay oo ay Itoobiya isticmaasho saraakiisha Soomaaliya. Inta dagalaada Sokeeye socdeen Dowlada Itoobiya waxa ay dib u shaqaalaysiisay dhamaan talayayashii ciidamada iyo hogaamiye kooxeedkii horay dalka uga jiray.
Cabdullahi Sanbaloolshe oo sadax qoys u joogaan magaalada Nairobi ayaa qaar ka mid ah qooysaskiisa loo raray magaalada Addis Ababa. Waxaa nasiib xumo ah in taliyihii nabadda sugida Soomaaliya ee lagu aaminay sirtii qaranka in uu cadawgii Soomaaliya uu shaqo tago.
Waxaan cad in Cabdullahi Sanbabalolshe oo loo haysto qiyaano Qaran in uu xiligaan go’aansaday in uu ka ganacsado sirta iyo sharafta umadda Soomaaliyeed. Xuseen Caydiid oo lagu hayay hoteelada Addis Ababa mudo dhowr sano ah ayaa u sheegay MO isaga oo jooga Magalaada London in Itoobiya in ay aad ugu xeel dheertay in ay isticmaasho siyaasiyiinta Soomaalida ee shaqada laga soo ceyriyo. Xuseen waxa uu yiri “waxaan ku kalsoonahay in Cabdullahi Sanbaloolshe lacag iyo naago uu la tunto ku badashay sirtii Soomaaliya, waxaan u sheegayaa Mudane Sanbalooshe in aan anaga horay ugu soo jabnay wadadaas, kana waantoobo in uu iibsado sharafta umadda Soomaaliyed”.