C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in dalka uu halis ugu jiro inuu kali talisnimo cusub uu galo, kaasoo keeni kara dagaal sokeeye,ka dib qoraal uu so dhagay bartiisa Facebook.
“Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa saakay marti uga nahay doorashada Guddoomiye kala sooci kara awooda golaha shacabka iyo Xukuumadda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa uu ka digay in awooda Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay galaan hal gacan, isagoo ugala jeeday in la doorto Musharax ay wadato Madaxtooyada.
“Hadii ay hay’adda sharci dejinta iyo laanta fulinta galaan gacanta hal ruux xoriyad ma jiri karto ,waxaa badanaya cabsida iyo argagax gelinta, waxaa la dejinayaa sharciyo kali talisnimo oo loo fuliyo si kali talisnimo”ayuu yiri.
Hadalka Siyaasiga aya ku so adaya Xili ay bilabaneyso Doorashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo musharaxiin 11 gaaray ay ku loolamayaan.