12-jir lagu kufsaday Gaalkacyo ka dibna meeydkeeda lasoo dhigay banaanka gurigooda

Reading Time: < 1 minute

Meydka Gabar da’yar ayaa saaka lagu arkay magaalada Gaalkacyo, waxaa la soo hor dhigay guriga ehelo ilaa xalay baafinayay, Caaisha Ilyaas Aadan oo 12 sanno jir aheyd.

Isbitaalka wayn ayaa hada la keenay meydka Gabadha oo muujinaya in si fool xun loo jir dilay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil caafimaad.

Lama oga sababta keentay dilka gabadhan yar waana dilkii ugu foosha xumaa ee loo geesto gabar dadeeda yartahay.