Madaxweynaha Maamulka Galmudug axmed Ducaalle Geelle xaaf iyo Madaxa Xukumadda Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa waxaa ay Degeen Qorshe ah in la badiyo Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug kuwaasi oo lagusoo daray shaqsiyaad ahlusunna ka socda Islamarkaana Difaac u ah Xaaf Iyo Shaakir.
Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Lagu Daray in ka badan 100 Xildhibaan kuwaasi oo la sheegay in ay soo xushay Ahlusnna.
Wararka aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Qorshahaani uu kasoo maaxday Madaxweyne xaaf kaasi oo ka cabsi qabo in mooshin laga keeno islamarkaana xilka laga Xayuubiyo
Xildhibaanaddii Hore ayaa dhowr jeer waxaa ay Cabasho ka Muujiyeen Mushaar La’aan Baahsan oo soo Wajahday,waxaana hadda la isweeydiinayaa,ma heli doonaan Kuno Iyagoo gaaraya 200 oo xildhibaan