10 Waxyaabood oo laga bartay kulankii golaha shacabka shalay.

Reading Time: 2 minutes

Kulankii Baarlabaanka JFS ee loogu ballansanaa in wax laga weydiiyo madaxda amniga kana jawaabaan sababaha keenay in amniga faraha ka baxo, qaraxyadana ay bataan iyadoo dhammaan waddooyinkii muhiimka ahaa dhagxaan lagu xiray.

RW Keyre & MW Farmaajo ayaanan shacabka hor iman diidayna in xukuumadda lala xisaabtamo tan iyo markii uu hoggaanka dalka la wareegay Farmaajo 8 Febraayo 2017.

Haddaba maxaa laga bartay kulankii shalay?

1- ABUUR AGENDA.
In guddoomiyaha baarlamaanka uu jeebkiisa ka keensan karo Agenda aan ku qorneen warqadihii loo qeybiyay xildhibaanada.

2- AMIIR FAHAD
In aysan jirin cid u yeeri karta Fahad Yaasin, si uu u hor yimaado, waxna uga weydiiso howsha uu bulshada u haayo.

3- BANNAD KULAN
In xildhibaanadii laga cod bato ay bannadi karaan kulanka is-hortaagna ku sameyn karaan dhaqan galinta waxii looga cod batay.

4- GACAN TAAG CUSUB
In gacan taag loogu codeyn karo saxaafadda, si labbo midkood u noqoto, in ay gudaha joogaan iyo in ay dibad joog ahaadaan.

5- XAKAMEYN LA’AAN
In guddoomiyaha baarlamaanka uusan aheyn mid xakameyn karo kulamada baarlamaanka marka buuq yimaado, awoodda kaliya uu muujiyana ay tahay in uu xiro kulanka, taas oo aan aheyn mid xal u ah baarlamaanka.

6- ISKU DAY FASHILMAY
in wasiir ka tirsan xukuumadda uu amar ku bixiyay in saxifiyiinta laga qaado Memory-ga si looga tirtiro waxii ay ku duubeen, balse saxafiyiinta ayaa sameeyay qorshe la yaab leh oo ahaa in ay Memoryadii u dhiibteen qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah

7- WASIIR IS CASILAY
Wasiir ka mid ah xukuumadda Kheyre oo hortaagan kaamirada ayaa inkiray in uu wasiir yahay (wasiir maahi), ka dib markii qaar ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ay dhaheen “Wasiir ilaahey ka baq, oo runta sheeg”,

8- AL SHABAAB AYAA KU JIRA BAARLAMAANKA
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah shabaab sida uu sheegay wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

9- BAAQASHO BADAN
Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka ayaa noqday midka ugu baaqashada badan (Sabti, Isniin iyo maantoo Sabti ah), sababo buuq iyo kooram la’aan dartood.

10- KALSOONI DARRO
Xukuumadda hadda jirta ayaa ah mid aan isku kalsooneen, cabsi weyna ka qabta in ay hortimaado shacabka si ay wax uga weydiiyaan xaaladaha taagan iyo waxa ay ka qabteen howlaha loo igmaday.

W/Q:- Nuune Ali Hassan