Xildhibaan Jeesow”Jawaari Waxa uu Nagula Dhaqmaa Sida in uu Isaga Leyahay Baarlamanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka looga soo horjeedo gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ka hadlay sababaha ay mooshinka uga keeneen Jawaari.

Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in gudoomiye Jawaari uu ka gaabiyay waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu ula dhaqmay xildhibaanada sida inuu isaga leeyahay Baarlamaanka.

Marar badan waxa la hadal hayay in mooshin laga keeni dono Gudomiye Jawaari iyado xildhibaanadu intodu badan ay dhialiil san yihin nidaaamka Jawaari.
Manta ayu soo shaac baxay iyado xildhibaanadi ugu badnaa ay mooshinkaasi saxiixen iyado arintaan ay u muuqato mid Jawaari uu booskaasi baneen doono.