Teamkii villa soomaalia oo tuugtan bilaabay iyo xaaalka oo ku xun markan.

Waxyar ka hor  RW kheyre waxa uu ka soobaxay guriga gudoomiye jawaari isagoo ka  baryay inuu ka laabto iscasilaada oo maxaa soo kordhay?

Xalay gudoomiye jawaari iyo teamkiisa waxa ay si wada jir ah isugu raaceen in si bahasha dhinaca kale loogu rogo uu gudoomiyuhu iscasilo kadibna dagaalka waji kale loo yeelo .

Maanta siyaasadii wajikale ayay yeelatay oo shakiyo badan ayaaa yimid markii la ogaaday in teamkii jawaari ay murashixiin wataaan oo ay doonayaan iney keenaan rag siyaasad ahaan aad uga fog vila somalia waxaana ka mid ah ragaaas abdulqadir cosoble oo isagu hadii uu meesha yimaad oo uu ku guuleysto kursiga gudoomiyaha in meesha uu ka bixi doono rw kheyre oo ah shaqsi la magaacabay maadaama ay isku beelyihiin.

Sheekada xiisaha badan ayaa noqotay in  damaca shariif sakiin oo ah weeraryahanka siyaasada somalia  uuyahay inuu miiska soo saarto saxiibkiis xildhiban abdirashiid xiidig oo horay ugu hungoobay kursigaan ,taaas oo hadii ay dhabowdo qalqal galineysa awooda madaxweyen farmaajo oo ay isku beel ka soo jeedaan .

Isbaheysiga u dhaxeeyay labadhinac shariif sakiin iyo vila somalia ee ahaa marka labadalo jwaari ma cadeyn ,sababtoo ah qolo walbo halmar hadhoco jawaari ayay ahayd .

Markii sheekadaan ay ogaadeen kooxda vila somalia oo dagaalkii uu iyagii ka dhaxbilwoday waxa soo wajahday laba daran mid dooro oo ah in gudoomiyaha ay ku qasbaan inuu ka laabto iscasilaada iyo in ay u diyaargaroobaan dagaal wajiyo badan leh oo ay kala hortagaan shariif sakiin iyo damujadiid oo markan isku saf noqon doona.

Kooxda vila somalia waxaa u fududaatay sida warar lagu helayo iney xaalka qaboojiyaan intii uu imaan lahaa mid meesha kawada erya .

Dagaal aan laga fiirsan ayay galeen kooxda vila somalia lakiin wixii soo kordha halkan kala soco saacad walbo.