Shiikh Cabdiraxmaan Warshiiq”Cali Guudlaawe ayaa ka danbeeyay in nala Xir Xiro”(Dhageyso)

Khaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka deegaanka Warshiiq ee Gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabelle ay uxirnaayen mudo Sadex maalin ah.

Shiikh Cabdiraxmaan Warshiiq oo ku hadlayay afka Odoyaasha dhaqanka degeaanka Warshiiq ayaa sheegay in Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe  ciidamo  daacad u ah ay weerar ku soo qaadeen Warshiiq  goob Masaajid ah oo ay ku dhigayeen Siyaaro, waxuuna intaasi ku sii daray in ay Xbasiga dhigeen dhamaan Odoyaashii iyo culumadii halkaasi ku sugnaa.

Sidookale Shiikh Cabdiraxmaan ayaa xusay in Sadex maalmood ay uxirnaayen ciidamada ka amar qaata cali Guudlaawe kadib la iska soo daayay.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayuu ku eedeeyay in uu bixiyay amarka lagu xirxiray odoyaaasha dhaqanka  iyo Culimada degaanka Warshiiq.

Ugu danbeentii Shiikh Cabdiraxmaan ayaa dowlada Fedraalka ee Soomaaliya ka dalbaday in ay soo faragaliso arinkan oo sheegay inay ka dhalan karto cawaaqib xumo.