Raii’sul Wasaare Kheyre oo 5 Milyan Ku Bixinaya Sidii uu Wasiirkiisa Gaashaandhiga ugu Dhigi Laha Badalka Jawaari

Iyado ay socdaan gulufka loogu jiro cida badali laheyd Gudomiyihi is casilay ee Maxamed shiiq Cismaan Jawaari aya waxa ay Xukuumada Soomaaliya ku dadaaleysa Shaqsigii booskaasi u buuxin laha.

Ilo ku dhaw Xafiiska Kheyre aya ino shegay in Raii’sul Wasaare Kheyre uu diyaariyay qorshaha uu Wasiirka Gashaandhiga Xukuumadiisa uu ugu dhigi laha Gudomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiirka Gashaandhiga soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan aya la shegay in Raii’sul Wasaare Kheyre uu u diyaariyay lacagtii ku bixi laheyd Dorashada Gudoonka Golaha Shacabka.

Raii’sul Wasaare Kheyre aya Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xussein Ducaale Bayle ku amray in Bangiga Dhexe uu ka bixiyo 5-Milyon oo Doolar,lacagtaasina uu farta ka saaro Wasiirka Mursal Shiikh oo lo qorsheyay in uu Gudonka Golaha Shacabka noqdo si Xukumada howlaheda u fushato.

Raii’sul Wasaare Kheyre aya lacag Xoogan ku bixiyay sidi uu Gudoomiyihi is casilay ee Jawaari kaga saari laha booska Gudoonka Golaha Shacabka,waxana hada sida muuqata u fudud in uu afduubo Golaha Shcabka.