Qeybaha Kala Gadisan ee Bulshada Ku Nool Muqdisho oo Ka Cabanaya Maamulka Gobolka iyo Laamaha Amaanka

Falalka lidiga ku ah amaanka aya ku so badanaya magaalada muqdisho iyado qeylo dhn xogan kaso yeereyso qeybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan caasimada Muqdisho.

Waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeereysa Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo waqtigani dhibaatooyin xoogan ku qaba kooxo hubeysan oo dhac ka geysta gudaha Suuqaasi

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in inta badan xilliyada Galabtii ah ay la kulmaan dhibaatooyinkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in Kooxaha dhaca geysta ay ku labisan yihiin dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ganacsadahani ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi