Musuq Maasuq Xoogan oo Ka Jira Xafiisyada Xukuumada uu Hogaamiyaha u Yahay Xasan Cali Kheyre

Warar hoose oo an heleyno ayaa sheegaya in masuq maasuq aad u xooggan uu hareeyay xafiisyada Dowlada,islamarkaana lacagihii loogu talagalay shaqaalaha shaqsiyaad gaar ah ay jeebka ku ritaan.

Ilo ku dhaw Xafiiska Raiisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay shaqsiyaad gaar ah ay lunsanayeen mushaarkoda iyo gunooyin loogu talagalay.

Shaqaalaha qaar ayaa qaati a taagan mas’uuliyiinta qaar oo garanaya sida wax loo masuq maasuqo.

Xafiisyada Dowladda ayaa waxaa hareeyay masuq maasuq baahsan,waxaana Madaxda Dowladda Soomaaliya mar waliba ku cel celiyaan iney la dagaalamayaan masuq maasuqa.