Maxaadan Ogeyn oo Maanta Ka Taagan Gobolka Mudug

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saakay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa si weyn looga dareemaya agagaarka deegaanka Baacadweyn ee gobolkaasi.

Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al Shabaab ayaa shalay ku dagaalamay Bariga gobolkaasi.

Waxaana weli xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayaa deegaanadii lagu dagaalamay.

Dhawaan ayey ahayd markii Galmudug ay ku dhawaaqdau dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi.