Maxaa kasoo baxay shirkii xalay aay yeesheen kooxda Qayaano Qaran?

Shir saacado qaatay oo ay xalay albaada isku xirteen Farmaajo, Fahad, Kheyre iyo Taabit ayaa la isla gorfeeyey xaalada adag ee ay lugaha la galeen. Waxaa miiska la soo saaray 4 qodob

1- Galmudug
2- Shirka Maamul Goboleedyada
3- Iyo shirka Imaaraadka uga socda siyaasiyiin miisaan leh
4- Isku shaandhayn Golaha Wasiirada.

Dood dheer ka dib waxaa soo baxday in talo fara ka baxday Arrimuhuna ay sii murgeen. Waxaa hoosta la iskala xariiqay in Isku shaandhaynta aysan xiligan munaasab ahayn. Waxaa kaloo la isla gartay in arrinka Galmudug uu sii calwayo, beesha Habargidir ay dhinac isla martay, Waxaa kaloo la iska sheegay in hadii maamul Goboleedyada ay kaligood Kismaayo ku shiraan, Aduunku u arkayo in aysan Dawlada gacanta wax ugu jirin, welina uu Xaaf ka qaybgalo shirkaas.

Waxaa ugu danbayn la go’aamiyey in Itoobiya garab laga raadiyo, la iskuna dhiibo si ay, Galmudug, Maamul Goboleedyada, iyo Imaaraadkaba uga xaliso. Sanbalooshe oo ayaa maalmahan ku sugnaa Addis Ababa ayaa fariintaas Itoobiyaanka u geeyay, ka dibna booqasho Farmaajo ku tago.

Itoobiyaanka ayaa Hadii aay aqbalaan arrinkaas Waxay Farmaajo hordhigi doonaan in uu ogolaado in labo guuto oo ciidan Itoobiyaan ah Muqdisho la geeyo. Waxay Itoobiyaanka cadaadis saari doonaan Axmad Madoobe si uu shirka u baajiyo ama Dawlada ay ka soo qaygashso.

Waxaa dhammaadka usbuucan lagu wadaa in RW Kheyre iyo Fahad aay booqasho laba maalmood ah ku tagaan magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasoo aay rabaan in aay si cad u weydiistaan lacag aay ku difaacaan xukuumadda, laguna kala furfuro baarlamaanka.

3 Comments

  1. KOXDAANI WAXA AY NA DHAHAA WAXAANU NAHAY WANDI , WAXAA DHIHI LAHAA KURSIGA AYAA AH WADANI EE ADINGA WAXAA MARKII HORE KU IMAATEEN QAYAANO WALINA WAAD SII WADAAAN ISLA QAYAANADII

    • War kuwa an sharaf danbe Kuma laha dalka iyo dadka soomaaliyeed. Waa lagu hanweeynaa inksta oo aan Anigu shakhsiyan Marna aan rumaysan in ay masuulka ay ka noqon Karan dalkaan iyo dadkaan , Anigu waa markii labada waxaan kula talinayaa in ay xilka dalka ay sharaf ku baneeyaan , haddii kale sidii Richard Nixon ayey ku danbay doona an.

Comments are closed.