Maxa Ka Jira In Wasiirka Gaashaandhiga uu Amray In La Bililiqeysto Agabka Yaala Xarunta ay Imaradka ku Tababaraan Ciidanka Soomaalida

Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho.

Wararka aya shegaya in Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya uu Faray in Ciidankaasi ay boobaan agabka halkaasi yaalay,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale ka dib marki la shegay in sarakisha Cidankasi ay ka bexeyn Muqdisho.

Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa sheegay in ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.

Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka eek u sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.