Maxa Ka Jira In uu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxda Sare ee Maamulka Hirshabeele+Mooshino Iska So Horjeda

Khilaaf Xoogan ayaa soo kala Dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Shiikh Cismaan Barre.

Khilaafkaan ayaa sababay in ay Joogsadaan Howlihii Xukumadda iyo Baarlamaanka Hirshabeelle oo aan ayaantaan wax kulan ah yeelan.

Khilaafka ka dhexeeya Madaxda sare ee Hir-shabeelle ayaa sababay in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay laka saftaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana taasi ay keentay in Xildhibaanada Labada garab ay diyaariyaan Mooshino ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Hir-shabeelle.

Xildhibaanadda Taageersan Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanaka Hir-shabeelle Shiikh Cusmaan Barre uu dibadda safaro u aaday iyadoo aan lasoo xiran kalfadhiga baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle.

Dhanka kale Xildhibaanadda taageersan Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Hir-shabelle ayaa ku eedeeyay Waare in uusan waxba qabanin tan iyo markii la doortay, islamarkaana xil ka qaadistii uu ku sameeyay maamulka Gobolka Hiiraan ay aheyd sharcidaro.