Masuul Ka Badbaaday Qarax Gaarigiisa Loogu Xiray

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Qarax loogu xiray gaarigiisa mid ka mid ah Wasaarada Maaliyadda maamulka Hirshabeelle.

Mas’uulka ayaa magaciisa lagu soo koobay Abaadir,wuxuuna yahay mas’uulka ugu sareeya maamulka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe,inkastoo Qaraxa gaariga loogu xiray waxba ka soo gaarin.

Abaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray,islamarkaana markii la ogaaday ka dib Ciidamada ay ka howlgaleen kana soo saareen gaariga sidaasina ay ku qarxiyeen.

Waxa inta badan ka dhaca Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya Qaraxyada Gaariga la isigu xiro waxaana sheegata Kooxda Al Shabaab.