Loolanka Cida Ku Guleysan Karta Kursiga Golaha Shacabka oo Waji Cusub Yeeshay

Waxa socda ololaha loogu loolamaayo kursiga uu baneeyay Gudoomiye Jawaari ee Golaha Shacabka waxana xurguf ay ka dhex dhalatay Shaqsiyaadka ku mideysnaa Dagaalka logu jiray in Jawaari kursiga laga tuuro.

Dagaal Cusub aya ka dhex curtay Xukuumada iyo saaxibadeeda Mooshinkii Jawaari iyado la isku qilaafay Shaqsiyadka badali laha kursigii uu baneeyay Jawaari.

Xasan Cali Kheyre Raiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Shariif Xasan Shiiq Adan Madaxweynaha Konfur Galbeed aya isku Qilaafsan shaqsiga ku fadhisan laha Kursiga Golaha Shacabka iyado Xukuumada ay hor istigtaatay Ololaha uu waday Shariif Xasan.

Dagaal horleh aya hada la tilmaamaya in Xukumada lagula galaayo Booski uu Jawaari baneeyay iyado musharaxiin horleh ay haatan doonayan in ay isu soo taagan Xilkaasi,waxana maanta shir Jaraa’id uu qabtay ku shaaciyay in uu Musharax u yahay qabashada Kursiga Golaha Shacabka Adan Madoobe oo Xilkaasi horay u soo maray.

Loolan Xoogan aya la fahansan yahay in uu ka dhex bilowday Madaxtooyada Soomaaliya,Iyo shariif Xasan oo dhankiisa Weerar ka ah.