Kooxda Qiyaano Qaran oo Madaxtoyada Ku Shirsan Iyo Shaqsiyaad Kala Duwan oo Ay Kala Wataan

Waxa magaalada Muqdisho ka socda ololaha loogu jiro doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana kulamo looga arrinsanayo xilkaas banaan ay ka socdan Hotelada qaar.

Gudoomiye Jawaari aya xalay iska casilay xilka Golaha Shacabkawaxaana la saadaalinaya in dhowr Musharax uu damac kaga jiraan xilkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta qaar ay gadaal ka riixayaan dhinacyo kala duwan, waxaana ugu horeya Madaxtooyada oo ay kala wataan dhowr musharax.

Shariif Xasan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee soomaaliya oo qeyb ka aha Mooshinka raga huriyay aya isna wata shaqsiyaad uu u doonayo in ay Xilkaasi qabtaan.

Gudoomiye Jawaari aya xalay shegay in uu iska casilay Xilka afayahenka Golaha Shacabka waxaana garabkii Qiyaano qaran hada ay kala wataan shaqsiyaad iyado arinku uu umuuqdo mid ay isku dagaali doonaan.