Kooxda Al Shabaab oo Dagaal Ku Qaaday Deegan Dhaca Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya Koonfurta gobolka Mudug ee mamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weeraraeen deegaankaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in daagal culus uu Al-Shabaab iyo ciidamada Galmudug ku dhexmaray inta u dhaxeysa jirada Camaara iyo deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana lagu soo waramayaa in haatan Ciidamada labada dhinac ee Al-Shabaab iyo kuwa Galmudug ay wadaan dhaq dhaqaaqyo,iyada oo laga cabsiqabo in ay markale wada dagaalamaan.