Kheyre oo Gudoomiye Muudey Siinaya Lacago Boqolaal Kun Ah Si Mooshinka Jawaari Weji Cusub Logu Yeelo

Iyado weli Xiisad siyaadasadeed oo kacsan ay ka dhex jirto Madaxtoyada Soomaaliya aya waxa soo baxaya warar kala duwan oo shegaya in mooshinki manta laga keenaya Gudoomiye Jawaari ee fashilmay sida la shegay in laso noleyn rabo.

Mooshinkan oo abaabulkiisa uu laha Raisul Wasaare oo garab ka heleyo Gudomiye ku xigeneka koowad ee baarlamanka Muudeey aya hada waxa la shegaya in abaabul cusub ee bilabayan.

Raiisul Wasaare Kheyre iyo Gudomiye ku xigenka Baarlamanka Cabdi wali Muudeey aya la shegay in ay ku heshiyen in uu qabto shir Jaraa’id oo uu ku shegayo in moooshinkasi uu sharci yahay welina uusan dhiman xildhibanadi saxiixayna ay joogan isago lacago xoogan oo boqolaal ah kun Dolar kaga qadanaya Mudane Kheyre.

Raiisul Wasaare Kheyre aya fahansan hadi Jawaari uu baaqi sii ahado in xaalkiisu uu fashilmayo isago ka badin qaba in Mooshin laga keeno madama inta badan xildhibanadu uu dareen san yahay in wax kalsooni ah uusan ka heli doonin.

Mashquul badan aya ka taagan Villa Soomaaliya iyado iyado kulamo is daba joog ah ee socdaan waxana arinku uu yahay mid xiisada Siyaasaddeed ee Saaxibada Villa Soomaaliya uu halis so wajahay iyado ay umuuqato in midba midka kale uu si dhuumaaleysi ah uu ku dilaayo ama Talada kaga tuuraayo.