Kheeyre oo si hoose u Hubeeynaayo Beeshiisa iyo dagaal Qabiil oo in uu dhaco Laga Baqdin Qabo,hadii aan Kheeyre laga hor-tegin!!

Xog-hoose oo ay heshay Muqdisho Online  ayaaa waxaa ay sheegayaan  In R/wasaare Xassan Cali Kheeyre  uu abuuraayo Ciidamo gaar ah oo si toos ah uga amar qaadan doono  kuwaasi oo uu doonaayo in uu ku qalqal galiyo Amniga Caasimadda  Dalka Ee Muqdisho.

Saraakiil ka kala Tirsan Ciidamada Nabad sugida iyo Military-ga islamarkaana ku heeyb ah ayuuu R/wasaare Xassan Cali Kheeyre  u xilsaaray in ay usoo diyaariyaan Ciidamadaan oo la qorsheeynaayo in magac shaar looga dhigaayo loo bixiyo.

Maxamed Abuukar Jacfar oo nisa ka Tirsan iyo Janaraal Waran oo Ciidamada military-ga ka tirsan una dhashay Beesha Murusade gaar ahaan Daguuure ayaaa Ciidamadaan Hogaanka u haaya.

Sababta ugu weeyn Ee Ciidamadaan uu u sameeynaayo ayaaa lagu sheegay in ay tahay dan gaar ah taasi oo ah in uu doonaayo inuu ku adeegto islamarkaana Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu goodiyo.

In waqtigaan Dalka la galiyo abaabul Ciidamo qabiil waaa wax laga yaqyaqsado Hase’yeeshee uu R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ayaaa u ciilqabo in colaad dib loogu laabto