Hogaanka NISA oo Kala Garan la’a Cida uu ka Amar qaadanaayo Kheeyre Iyo Farmaajo!!

Madaxweynaha Dowlada Federalka ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu amray dhawaan in la furo dhamaan Wadooyinka xiran iyo Goobaha Fariisimaha ah Ee ay joogaan Ciidamada loogu magac-daray Xasilinta.

Kulan gaar ah oo uu la qaatay Gudigga Amniga Qaranka ayuu Madaxweyne Farmaajo hadalkaan ka sheegay, hase’yeeshee  markii la fulin lahaaa amarkaasi waxaa ka horyimid R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo la tuhmo in uusan Rabin Deganaanshiyaha Amniga Caasimadda.

Xassan Cali Kheeyre  ayaaa waxaa uu Hogaanka Ciidamada Nisa ku amray in aan la furin Wadooyinka si aan loo rumeeyn Hadalka Madaxweyne Farmaajo, sababta ugu weeyn Ee taas uu u sameeynaayo ayaaa lagu sheegay in ay tahay damaca ah Isku dirka shacabka iyo Farmaajo.

Xassan Cali Kheeyre ayaaa  amray in jidadka luuqyada ah Ee Xaafadaha xitaa lagu xiro Biro si loo jebiyo Amarka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Dhowr jeer oo hore ayuuu R/wasaare Xassan Cali Kheeyre  uu beeneeyay awaamiir uu Soo saaray Madaxweyne Farmaajo waxeeyna sii adkeeyneeysaa Xariirka sii xumaanaayo Ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R/wasaare Xassan Cali Kheeyre .

Umadda Soomaaliyeed waxaa ay maalin walbo u dulqaataan boobka iyo beenta Xassan Cali Kheeyre  waxaana hadda la joogaa goortii ay ka dhiidhin lahaayeen.