Jawaari oo Macsalaameyn Doono Xarunta Golaha Shacabka Xilli Khudbad Xasaasi ah uu Jeedin Doono

Waxa lagu wada in Xarunta Golaha Shacabka uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshinka Xukuumada ka keentay Gudoomiye Jawaari uay u fashilmeyn kulamadoodii.

Kulankan aya waxa hadal ka jeedin doono guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu qasbay in uu is casilo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khudbada Gudoomiye Jawaari aya la filaayaa in ay noqoto mid xasaasi ah oo uu kaga hadli doono is casilaadiisa iyo Mooshinka laga keenay.

Khudbad jeedinta Jawaari aya shalay u baqatay ka dib markii kooxda Xasan Cali Kheeyre u joogta Xarunta Golaha shacabka Hogamiyahoda Muudeey uu baajiyay kulankaasi,xili la isku dayay in la ogaado qoraalka uu jeedin doono qaabka uu u dhigan yahay.