Imaaradka oo War Saxaafadeed Ku Shegay In Lagu Xad Gudbay Shaqaalahoda Iyo Musharadki Ay Siin La Hayen Cidanka Somaliya Ay u Tababaren

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay waxa ay war ka soo saartay lacagtii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi ay aad u cambaareynayaan, lacagta Diyaaradda saarneyd-na loogu tala galay Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Imaaraadka in Saraakiisha ammaanka ay six un ula dhaqmeen rakaabkii Diyaaradda saarnaa, waxay kaloo tilmaameen in Ciidamada ammaanka ay qaateen lacag caddaan ah oo ay qayb ka ahayd lacagaha loo qoondeeyey inay Soomaaliya ku caawiso.

Imaaraadka wuxuu kaloo sheegay falka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha inuu yahay dhaqan sharci daro ah, jabinayana sharciga caalamiga ah, iyada oo sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xiriirka labada dal.

“Tallaabadani waa tallaabo sharci darro ah oo ka soo horjeeda qawaaniinnada diblomaasiyadeed ee asaasiga ah ee u dhaxeeya labada wadan iyo jebinta qodobbada Heshiiska Is-fahamka ee la saxiixay Novembar 2014.” Ayaa lagu yiri Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Imaaraadka.