Howlgalka Amisom Goorma Ayay Sanadan Bilabayan Ka Bixististoda Soomaaliya

Iyado kulan gaar ah oo ay wada qaateen ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM Simon Mulongo iyo taliyeyaasha milatariga AMISOM ayey uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay ka bixitaankooda Soomaaliya.

Mr Mulongo ayaa ugu baaqay taliyeyaasha militariga AMISOM in ay laba jibaaraan dadaallada ay ku yareynayaan qatarta Xarakada Al Shabaab ay kala kulmi karaan Ciidamada DFS, marka ay la wareegaan ammanka dalka.

Sidoo kale ku xigeenka madaxa Howlgka AMISOM ayaa ku adkeeyay in taliyeyaashaasi in ay qaataan doorkooda ku aadan fulinta qorshaha AMISOM ay uga baxeyso dalka, islamarkaana ay la yimaadaan istaraatiijiyad la jaan qaadeysa fulinta qorshahaasi.

Bishii December ee Sanadkii hore ayey ahayd, markii Ciidamadii ugu horreyay ee ka tirsanaa howlgalka AMISOM ay ka ambabaxeen Soomaaliya ,kuwaasi oo tiradoodu ay gaareysay kun Askari oo qeyb ka ahaa howLgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.