Hooyo Heysata 2-Caruur Ah oo Xalay Isku Dal Dashay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Waxa Xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka sarta Wiif isku dishay Haweeney lagu Magacaabi jiray Xaawo Cali Maxamed ayaa aheyd qof Xaas ah, waxaana ehelkeeda ay sheegeen in Sanadihii dambe ay qabtay Xanuun dhanka Maskaxda ah,

Haweyneyda is dishay aya la shegay in ay Gurigii ay deganeyd ay isku soo xirtay kadibna ay Xariga u isticmaashday dilkeeda.

Ehelada Haweyneyda is dishay aya sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysatay Carruurteeda oo ah laba Wiil, isla markaana Meydkeeda ay geeyeen Xarunta dembi-baariista ee CID-da oo uu ku amray taliyaha Saldhiga degmada Yaaqshiid.

 

Arintan aya noqotay mid xanuun iyo argagax ku reebtay dadka ku dhaqan Degmada Yaqqashid gaar ahan agagaarka Daarta Wiif.