Gudomiyihi Xilka Laga Qaaday ee Gobolka Hiraan oo Madaxda Sare ee Hirshabeele Ku edeyay Lunsiga Lacago Hiiran Laga Aruriyay

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan xilka qaadis lagu sameeyay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay soo faragaliyaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa ku eedeeyay maamulka HirShabelle in uu ku takri falayo qaraashaad uu sheegay laga aruuriyay gobolka Hiiraan.

Waxaana uu tilmaamay in madaxda maamulkaasi ay diidan yihiin in lala xisaabtamo.
Xiisad ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa weli ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.