Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Maanta Dhaq Dhaqaaqyo Xogan Ay Ka Socdaan

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada malitariga Soomaaliya dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa si weyn looga dareemaya duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, islamarkaana u jeedkooda uu yahay in ay ka saaraan deegaanadaasi.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Dhexe