Gobolka Hiiraan oo Laga Daremaayo Xiisad u Dhaxeysa Ciidamo ka Amar Qata Gudomiyihi Xilka Laga Qaday In Maamulka Cusub ee Lagu Badalay

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan aya shegaya in Xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa maanta ka taagan tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa la sheegay in uu ka biyo diidan yahay xilka qaadis uu dhawaan ku sameeyay Madaxweyne Waare, isagoona haatan Ciidamo ku aruursanaya qeybo ka mid ah magaaladaasi Baladweyne.

Sidoo kale munaasabad la filayay in maanta xilka uu ku wareejiyo guddoomiye Jeyte oo ka dhacday Baladweyne ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uusan ka qeyb galin.

Balse waxaa lagu soo warramayaa in isaga oo ka maqan munaasabaadaasi uu xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow.

13-kii bishan ayey ahayd markii Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.