Gaas VS Khere: Xiisada cusub oo ka dhax bilabatay qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo Xukuumada

Iyado kol sii horeysay uu Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Ciidanka Cirka Puntland Madaxweyne Cabdi Wali Gaas aya ka hadlay Xiriirka dalalka Imaaradka iyo Soomaaliya.

Hadalka Cabdi Wali Gaas aya la ogsoon yahay in uu bilaabayo Xiisad Cusub oo ka dhex dhalata Xukuumada iyo Gaas, maadama uu Cabdi wali gaas fara gashtay howl aan tiisa aheyn.

Sida lawada ogsoon yahay Arimaha Dibada waxa masuul ka ah Wasaarada Arimaha Dibada iyado aysan aheyn in uu ka hadlo arimahaasi waxana Dood xoogan ay ka dhalaneysa hadalka uu yiri Cabdi Wali Gaas””Imaaraadka Carabta cid noo bedeli karta ma jirto, xiriirkooda qiimo gaar ayuu noogu fadhiyaa” waxa uuna sababaya Hadalkasi Xiisad ka dhex dhalata Xukumada iyo Maamulka Puntland Hogamiyahoda.

Qaar ka mid ah Maamul Goboledyada Dalka iyo Xukuumada aya isku Qilaafa shaqooyinka lakala leeyahay iyo sidii Cid waliba logu madax banaaneen lahaa Shaqooyinkiisa.