Faah Faahino Kaso Baxaya Qarax Ka Dhacay Deeganka Mooyaale

Wararka ka imanaya deegaanka Mooyaale ee ku yaala xadka ay wadaagaan Dalalka Kenya, Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegayaa in qarax xoogan uu ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay boosteejada basaska laga raaco ee deegaanka Mooyaale.

Ugu 3 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada waxana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux oo kale, kuwaas oo qaarkood ay xaaladdooda liitado isla markaana loola cararay goobaha caafimaadka.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay xilli goobta basaska laga raaco ay ahayd mid aad u mashquul ah isla markaana ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan.