Doodi Aqalka Sare ee DP World oo Ku Dhamaatay Ismari Waa Lagu Kala Tagay

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dood Adag ka Yeeshay Xeerka Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World kaasi oo Maalin ka hor ay Ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Sanetor-ada Qaarkood ayaa Soo Jeediyay in xeerkan dib loogu celiyo Golaha Shacabka Baarlamaanka, isla markaana Xukuumadda lagala tashado, halka Kuwa kalena ay tilmaameen in eedeynta Imaaraadka Carabta meel la iska dhigo, oo laga Wada hadlo faragelinta Itoobiya oo ay Sheegeen in ay tahay mid taagan.

Dhinaca kale, Sanetor-ada Qaarkood ayaa Golaha Aqalka Sare u Soo Jeediyay in Xeerkan la meel mariyo si la mid ah Golaha Shacabka, isla markaana loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu u saxiixo.

Intaasi kaddib Buuq iyo Sawaxan ayaa Hareeyay Xarunta Golaha, Iyadoona ay Xarunta ka Dareereen Qaar kamid ah Sanetor-ada Golaha Aqalka Sare, kuwaasi oo Sheegay in uu Dhamaaday Waqtigii loogu Tala-galay Kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Sheegay in uu dhamaaday Waqtigii loogu Talagalay Kulanka, waxaana uu Tilmaamay in Sanetor-adu ay Sii Wadi Doonaan Maalmaha Soo socda Dooda Xeerkaan Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World ee Laga Lee Yahay Dalka Imaaraadka Carabta.