Donald Trump oo Rex Tillerson Xilki Ka Qaday Iyo Xilal Cusub oo uu Magacabay

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa twitter-kiisa ku magacaabay Agaasimaha Hay’ada CIA-da Mike Pompeo in uu yahay Xoghayaha Arimaha Dibada isago sido kale xilkina ka qaday Xoghayihi Arimaha Dibada Rex Tillerson.

“Mike Pompeo,ayaa noqon doona Xoghayaheena cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibada.wuxuuna qaban doonaa shaqo Cajiib ah,Waa uu ku mahadsan yahay Rex Tillerson shaqada uu so qabtay,Gina Haspel waxay noqon doontaa Agaasimaha cusub ee CIA, iyo haweeneydii ugu horreysay ee la doortay. Hambalyo dhammaantin ” Ayuu Trump ku soo qoray Twitter-kiisa.

Lama oga sababta uu madaxweynaha Mareynkanka xilka kaga qaaday Rex Tillerson ma uusan ku cadeyn warka uu soo saaray.