Danbi Baarayasha FBI-da oo Xiray Soomaali Ku Hanjabay Inu Qarax ka Fulinayo Mareykanka

Hay’adda Dembi-baarista ee FBI-da ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Cabdalla Axmed Cige oo ah Muwadin Somaaliyed oo deggan Gobalka Minnesota, kadib, markii uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu qarxin doono Dhismaha Hoolka ee magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Eedeysanaha oo 25-jir ah ayaa sheegay inuu Qoraalkaasi ugu dan lahaa inuu ku soo jeediyo Dareenka Hay’adda FBI-da, wuxuuna ku dooday in isaga Xag-jir laga dhigay.

Saraakiisha FBI-da waxay Shandada Eedeysanaha ka heleen meel ku dhow Hoolka uu sheegay inuu qarxin doono, balse lagama helin wax Qaraxyo ama waxyaabaha Kontorobaanka ah.

Wargeyska The Saint Cloud Times ayaa qoray inuu Eedeysanaha muteysan doono 8 sanno oo Xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan 13,000 oo Dollar.