DAAWO: Barakac ka bilowday xaafado ka mid ah Jowhar & ka dib fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle

Qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa laga barakacay ka dib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Xaafada Horseed oo ka mid ah afarta xaafadood ay ka kooban magaalada Jowhar ayaa wabiga uu ku fatahay,waxaana biyaha ay fariisteen qaar ka mid ah xaafadaha oo dadka qaarkii ay ka barakaceen.

Maamulka iyo Shacabka ayaa bilaabay dadaalo ku aadan sidii loo moosi lahaa halka uu Wabiga ka soo jabsaday ee Biyaha ka soo burqanayeen.