Booqashads Taliyaha Ciidanka Turkiga Waxa aay diraysay fartiin

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha Guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey garoonka Aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.

Booqashad taliyaha ciidanka Turkiga Janaraal Hulusi Akar waxa ay ahayd mid ku soo aaday xili ay jirto xiisadda siyaasadeed ee khaliijka.

Booqashada oo timid maalin ka dib booqashadii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Sacuudiga ayaa waxaa ay fartiin u diraysay dowladaha Sacuudiga iyo imaaraadka in Turkiga oo Qatar la socoto ay taageersan yihiin go’aanka Soomaaliya. Siyaasad Madaxweyne Farmaajo oo aan loo meel dayin ayaa waxaa ay Soomaaliya galinaysaa Xaalad Khatar ah.