Askari ka tirsan ciidan Nabad Sugidda NISA oo fuliyay dilkii wiil aay dhaahay Guddoomiha ururka haweenka & xoghayntii

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Somalia ayaa la ogaaday inuu fuliyay Weerarkii lala bartilmaameedsaday Gaari ay lahaayeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dhinteen Xubin ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka, iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Haweenka Qaranka oo waday Gaariga.

Muqdisho Online ayaa ogaatay in Askarigan oo markii uu dilka gaysanayay ku hubaysnaa Qori Noociisu yahay M16 oo lagu farsameeyay Maraykanka ay Saaka ku soo qabteen Hawgal Qorshaysan Ciidamadda Ammaanka, Kadibna la keenay Xarunta Baarista Dambiyadda Booliska ee CID. Waxaana haatan socda baaritaan ku saabsan dhacdada.

Askarigan ayaa markii uu Dilka gaysanayay ka soo dagay Gaari yar oo Noociisu yahay Spacio, kadibna waxa uu Rasaas ku furay Gaariga Gudoomiyaha Haweenka Qaranka, isagoo kadibna ku laabtay Gaariga uu saarnaa oo uu ku baxsaday, Waxaana markiiba aqoonsaday Dad ku sugnaa Goobta, taasoo sahashay in dabagal lagu sameeyo.

Askarigan Dilka gaystay inkastoo uu ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda, haddana waxaa soo baxaya Shaki ah inuu u shaqaynayay Kooxda Alshabaab. Waxaana Askarigan la qabtay uu ka tirsan yahay Ciidan Nabadsugid ah oo illaaliya Safaaradda ay Turkidu ku leeyihiin Muqdisho, Isagoo Gaariga uu watay ee uu Dilka ku fuliyayna laga leeyahay Safaaradda Turkiga.

Safaaradda Turkiga iyo Taliska Nabadsugidda midkoodna kama hadlin Askarigan la qabtay, balse wali waxaa socda Baaritaan la xiriira arrintan.

Taliyaha Nabadsugidda Degmadda Xamarwayne ayaa isna la soo xiray Saaka, lamana ogga sababta loo soo xiray inay la xiriirto arrintan iyo in kale.

Nabadsugidda Somalia ayaa hadda waxaa Taliye ku xigeen ka ah Cabdulqadir oo loo yaqaan Jaamac kana tirsanaa ururka Al Shabaab qeybta madax jebiska iyo  Madixii Sirdoonka Alshabaab oo kol hore isku soo dhiibay Dowladda Somalia, Iyadoo Sirdoonadda Caalamiga ay Su’aal galiyeen in Zakariyo looga dhiibo NISA isla Xilkii uu Alshabaab ka dhex hayay.