Aqalka Sare oo Manta Laga Sugayo In Go’aan Mideysan Ay Ka Qaatan Arinta Shirkada DP World

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay loo qaybiyay Xeerkii ay maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaanay shalay u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa Warbaahinta u sheegay in maanta ay xildhibaanada ka hadlayaan heshiiska DP World, go’aan mideysan ay ka qaadan doonaan.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.