Al-shabaab oo Bilaabay in ay Magaalada Muqdisho ka geeystaan Dilal Gowrac ah !!

Wararka laga helayo degaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof oo midkood la gowracay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dhacay weerarkaasi iyadoo maleeshiyo hubeysan ay weer ku qaadeen goob Jaayga lagu sameeyo oo ay ku dileen laba qof oo midkood ay gowraceen.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi iyadoo intaas ku dartay inay ku dishay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Hay’adaha amniga oo ku saabsan weerarka ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.